Friday 2 January 2009

DAAHYAALE

Waxan ahay nin duurkaa galoo, xoolo daaqsada'e
Dugaaggiyo ugaadhaannu nahay, qaar is-daawada'e
Dibin-daabyo uma geysto oo, waannu derisnaaye.
Dub madow ah, diir midab cad iyo, dikhilka soo raaca
Dadka nool adduunkaba haddii, laysku wada duubo
Ruuxii danqaabmiyo qofkii, dakhar u soo gaadho
Waa duuddi Nebi-Aadan oo, waw damqanayaaye
Dabkana inaan bakhtiiyaan rabaa, daaray Aadmiga'e.

Ha yeeshee dulmaa layga galay, ina Digaalow'e
Dacwad inaan ku dhiibtaan rabaa, doodda Maansada'e,
Cirka oon daruur lagu ogeyn, danabka soo hoobtay
Ee duunyadaydii madhshee, Adhigi daadduunshey
Denbi baan u haystiyo xumaan, daahirtoon galaye
Wax la-yidhi; rag soo duuley baa, daannadaas dhigaye
Dagaalkii magaalooyinkee, dawladaha joogey
Degmadii miyiga waxa ku daray, iima daaddegine,
Haddii ay Daqiiq kala xadeen, dahab iyo caanteynno
Dillaalkii haddii laysku diley, dan iyo yeelkoode
Bal maxaan ka daadshee aniga, laygu soo duuley?

Daarihii New York ma-Awrtaa, dumisey oo jiidhtay?
Dameeruhu ma-tororiisan baa, dilaya bayloodka?
Duuliyuhu ma-Binlaadin buu, Dibiyadii moodey?
Mise Daalibaan bay noqdeen, Adhi-dammaankaygu?

Dawladdii daruuraha kortee, Dayaxa guud joogtey
Iyo anigan duunyada watee, Geela daba jooga
Waxa dirir wadaajiyo xarbigu, iima daaddegin.

La soco qaybta danbe.

ALLAA MAHAD LEH.
Diyaarintii: DDDualeh.

GEEDDI-SOCOD

Gabay WADDANI ah. 1997.

GEEDDI-SOCOD; waa gabay aad u dheer ee qiima badan, soona baxay 1997kii. Gabaygani wuxuu ka mid yahay, laba gabay oo uu abwaanku kaga qayb galay xaflad habeen-murtiyeed ahayd oo lagu qabtay London. Waxa uu ahaa gabay runtii aad iyo aad loogu qiirooday, wuxuuna abwaanku dulucda gabaygiisa ka soo bilaabayayaa ama uu ku iba-furay, soo-jireenka taariikhdii bani'aadamku soo maray. Wuxuu gogol-dhig uga dhigay, ku-dhaqanka iyo ka-faa'iideysiga caqliga wanaagsan iyo garashada habboon, taasoo ay tahay buu abwaanku leeyahay;- adeegsiga iyo nolosha adduunka ama adduunyada inaan loo baahnayn wax lagu sii daro oo lagu sii kordhiyo, balse ay tahay tii hore ee jirtey oo la toos-toosiyo, looguna dhaqmo sida saxa ah ee habboon. Taasi dhinaceeda kale, oo ah geesta khaladka ee maskaxda bani'aadamka oo la adeegsadona, hadimada ka dhalataa la mid tahay ama ka sii xun tahay tan maanta Soomaalida haysata.

Ugu-danbayntana abwaanku gabaygiisan Geeddi-socod wuxuu ku gooddiyayaa wacyi-gelin iyo hoga-tusaalayn ku saabsan nasiib-darrada iyo hoggaan-xumida muddooyinkan danbe ku dhacday gebi ahaanba Soomaalida (Dal iyo Dadba), imminkana ay tahay, in dib loo adeegsado looguna dhaqmo aqoonta habboon iyo caqliga wanaagsan, si loo soxo khaladkii dhacay, ka dibna la hanto qarannimo dhab ah. Faallada iyo sharraxaadda gabaygani aad bay u dheer tahay, balse hadda intaas uun baynu ka soo qaadanaynnaa. Gabaygii baynuna u geleynaa, wuxuuna yidhi:-

Haantaba guntoo laga unkaa, garasho weeyaane
Girgir loo sameeyiyo hadhuub, guudka laga saaro
Maskax godol leh baa laga dhaxloo, gudatey hawshaase,
Haddayse guuli kaa maqantahiyo, horumar aad gaadho
Garaadkaaga weyddii waxay, gocato laabtaadu.

Guntin Canabah Ciin lagu go'oo, guba calooshaada
Waxaad geliso ciiddaa dhulkana, kaaga soo go'a'e
Hadba geedki aad beerataad, goosataa abide,
Girristaad afaysana marbaad, Gool ku qalataaye
Guuyona waxaad dhaqato baa, goonni kuu noqone
Hadba dumarka taad guursataa, gaaridood tahaye
Gogoshana middaad seexataad, gama' ka doontaaye
Waxaad galabsataabaad ifkana, gaar u heleysaaye
Gefna waxaad samaysaa qabriga, kuugu soo geli.

Haddii aanu garaad iyo lahayn, garasho dheeraad ah
Dadku guunyo buu noqon lahaa, daaqda geedaha'e
Waxaan Geela kaga goonni nahay, Adhiga gaaggaaban
Caqli talo gorfeeyaa ILaah, geliyey maankeenna.

Dunidoo gabaahiir ahoo, Galow ka foodhyaayo
Iyadoo gel-gelinoon lahayn, guri la-hoos seexdo
Dadkuna uu dhirtow guud baxoo, fuulo gudaheeda
Gama' iyo hurdadu ay u tahay, geed u jiifsanayo
Laamaha guntoodana ka dega, waaga galacdiisa
Subaxdii garmaamada sidii, guunyadaw foofa,
Iyagoon Go'yaal iyo lahayn, Macawis giir-giir leh
Iyagoon Garays iyo xidhnayn, ama Guntiinooyin
Garbo-saaro iyagoon ku dedin, madaxa guudkiisa
Gog la jeexay iyagoo hilbaha, gaara ku ilaasha
Iyagoo gel-gelin taagan iyo, meel an gacal joogin
Garbo-weyne Aar iyo la nool, Goodirkiyo Cawsha
Hadba goosankii hadha dugaag, gooyo cidhibtooda.
Gugoo da'ay Cirkoo gooddiyada, geydh ka soo kiciyey
Dhibic gaw tidhaahdiyo Hillaac, galalacdii muujey
Daruuraha guntamay oo ILaah, godol ka sii daayey
Iyagoo gariiraaya oo, gawsahays dhaafshey,
Haddana aan gabbood iyo lahayn, goobo lagu eerto
Gabayooxa Dayreed ka gala, godadka hoostooda,
In baa garatay haddii gudin la helo, inay wax goynayso.
In baa goobtay goortii tashiga, geedka laga sheegay
In baa garatay guri inay dhistaan, aanu gelin Roobku
In baa goysey laamaha markay, taladu soo gaadhey
In kalaa gufeysoo dabeed, xaadhey gudihiisa.

In baa garatay Geeliyo Adhiga, daaqa garabkooda
Inuu Guulle siiyoo iyaga, goonni ugu deeqay,
In kalaa u guuxdoo dabeed, galab ku soo heestay.
In baa garatay gaax inay qabaan, gaajo bi'inaysa
In baa Gaawahaw qaaddayoo, godol ka soo dhiijey
In baa garatay gool laga qashiyo, Wananka geesaa leh
In baa gawrac marisoo dabeed, hilibki googgoysey.

In baa garatay gocondhada lugaa, goobtay cidhibtooda
Wax la geliyo goortay helaan, cagaha oo goomman
Gudoodiga inay hidin karaan, guure-socodkooda.
In kalaa guddoon qaadatoo, saan la-kala gooyey
Ku ganuuntay maankooda oo, Fay-gammuur curisay.

In baa garatay geeddiga haddii, Awrta lagu guuro
Gaadiid haddii laga qabsado, guudka laga fuulo
Marna guriga qaaddoo carruur, gurada loo seexsho,
In kalaa gar soohdoo Hoggaan, gelisey qoortooda.

In baa garatay ganacsiga haddii, laysu kala-goosho
Oo Gobolba Gobolkawgu dhow, geeyo wuxu doono
Goosarad haddii laysla helo, guufku wuxu joogo
Qiime go'an in loo jari karoo, laysla garanaayo,
In kalaa giraan lagu cabbiro, Galaxba qaadkiisa
Miisaan u goonniya unkoo, gaar isugu hawshay,
In kalaana goobtii timoo, gadatay iibkiina.

In baa garatay ruuxii godkiyo, iilka garab yaalla
In kastoon naf mawdkeedi galay, geeri laga baajin
In la-helo gar-gaar wax u taroo, gooya nabarkiisa,
In kalaa Gob xididkiisa iyo, Gaxadhka baarkiisa
Gawlallada caleenteeda iyo, gobollo Saytuunah
Gumarta iyo Toontii intay, meel isugu geysey
Dheecaan ka soo gororisoo, galab intay qooshtay
Goobtii ku daaweysey iyo, meeshi gubaneysey.

In baa garatay goobaha bannaan, Guga horraantiisa
Haddii loo guntado oo dabeed, ciidda la-gaddoonsho
Inay beer wax laga goosto oo, gaara noqon doonto,
In kalaa Abuur gelisey oo, waajibkii gudatey.

In baa garatay ruuxii gar daran, dhaawac ama geysta
God madow in lagu tuuro oo, gaadhna lagu meersho,
In kalaa gig tidhi oo Bileys, Geesha soo kicisay.
Guddi loo sameeyiyo in baa, Guurti magacowday.
In kalaa go'aan iyo sharciga, qodobbadii goysey.

In baa garatay gebi aan dumeyn, iyo gidaar taagan,
In kalaa gorfaysoo rakibay, daar an laga guurin.
In baa garatay laydh galalacloo, gudaha nuur siiya
In kalaa Guluub iyo Nal iyo, Koronto gaadhsiisey.
In baa garatay garabkiyo biyaa, guudka lagu dhaansho
In la-geba-gebeeyoo la-helo, guriga qaar yaalla,
In kalaa qasabad aan go'ayn, gelisey hoostiisa.

In baa garatay gaadiid socdoo, gaadha meel durugsan
Oo guuxa orodkiisa aan, laga geyoonaynnin,
In baa biro is-gudub-teedisoo, Tareenkan gawdiida
Garashada ku maamuustayoo, guudka ka dabooshay,
Gondihiisa qaar baa ku xidhay, giraan la soo laabay,
In kalaa gudaha ugu dhacdoo, geyrar u samaysay,
Wax gariir sameeyiyo mashiin, qaar kalaa geliyey.

In baa garatay haadkaa gablee, dunida gaaf-meera
Gor-gorkiyo sidaa Xuunshadaa, lalaysa guudkeenna
In la-helo wax gaadhoo iyaga, roora gudubkooda,
Garbihiisa wiil baa ka lulay, baalal geesaha'e,
Hadba geedka geedaha u dheer, guudka kaga boodye
In kastuu ku geeryoodey oo, gebi ka soo duulay
Walaalii gudboonaa ayaa, gaadhey libintii.

Intaasoo galbood buu khalqigu, goorba meel degaye,
Imminkana dadbow guurey oo, gaadhey Dayixiiye
Maskaxdii wax soo goosatana, guuli wow timiye
Caqligii gudhnaadaa inuu, gaabsho way tahaye,
Iska daa inay GEEDDI-SOCOD, hore u guuraane
Imminkay gawaan taaganyiin, gegi dadkaygiiye
Imminkay gel-gelin jiifsadaan, Goray sidiisiiye
Go'la'aan hadday yuururaan, gawre dhaxameede
Imminkay gadaal ugu noqdeen, guurihii beriye
Hadday guunyo kala-qaadayaan, Geel nin foofsadaye
Imminkay gardaadsheen qabiil, goonni loo dhaqay.

Gabbal dhacay habeenkoo dam yidhi, gaadmo iyo weerar
Gudcur damah dad gaajoonayoo, gaasas lagu xeeray
Gacmo dhiig leh Gaalleef afliyo, gawrac lays mariyo
Xinjir gorortay ilmo gobo'leh iyo, dhaawac gegi jiifa
Goofaf qodan xabaalaha gudboon, meyd is-garab yaalla
Godob ururtay ciil gaammuriyo, baaddil gacan dhiirran
Cilmi gudey tacliintoo gudhiyo, jaahilnimo gaaxsan
Gar cadhootay talo guurtey iyo, Guurti hadal deysey
Gadh-castiyo Raggii talin jiroo, geedka laga waayey
Gu-jir qaxay gariir kale maqliyo, guuto daba taagan
Gabbashada dagaallada bartoo, geed ku dhuumanaya
Agoon geesha gawsaha waxay, geliso aan haysan
Gaajadiyo harraadkay qabaan, godanyey beerkoodu,
Intaasoo Gammuun baa ku mudan, gogosha Soomaale
Gaagna waa ka soo hadhay dadkii, goosan iyo xayne
Haddii ay go'aan leeyihiin, lama gumaadeene
Hadba kii sidii geedka jara, geesi lagu sheeg.

Gaaraa-bidhaankuba wuxuu, guudka ka hillaaco
Guuraa habeenkii wuxuu, galac yidhaahdaaba
Guluub baxay wuxuu muujiyoo, goonni u iftiimo
Isha gacala-eegtaa waxay, gaar u dhugataaba
Inta uu gal-siibtuu mar qudha, geed is-mariyaaye
Dhuugga Geela miciyaha geshee, gororsha dhiiggiisa
Ee aan ka go'in buu noqdaa, ganaya jiidhkiisa.

Roob-la-dhacu gugoo hooray buu, gobo'da muuqdaaye
Isagoo godkeedii Cad-ceed, gelaysa aad mooddo
Oo midab guduudlihi casaan, gees walbow dhaashtay
Ishu waxay ka go'i weydo oo, gaar u dhugataaba
Indhuhu goonni ugu dhaygagaan, quruxda guud saaran
Inta uu gal siibtuu mar qudha, geed is-mariyaaye
Kud-kudaha gumaaduu noqdaa, Gooya xoolaha'e,
Inta uu gal siibtuu haddana, geed is-mariyaaye
Garan-goorri weeyaan haddana, goobta xoolaha'e
Inta uu gal siibtuu haddana, geed is-mariyaaye
Gafanaha ku giganee halkuu, gano an sii deynin
Ee aan ka go'in buu noqdaa, iyo Gabaarrey.

Innagana guddoonkaan xulliyo, Guurtidaan diranno
Gadh-wadeennadaan doorannee, gaar u filannaaba
Iyaguna geddaasoo kaley, geed is-mariyaane
Gun-gumiyo Abeesay noqdaan, gaar inoo jaqa'e.
Kuwa libinta gawraca ka deyey, way gedmanayaane,
Gallad iyo hadday magac fisheen, wow garaad-li'iye
Guntigooda ceeb baa ku xidhan, guul-darriyo hooge
Nin waliba wuxuu geystey buug, goonniyaa qoriye.
Kuwa galalka dhiigga ah sidii, Harada guud jooga
Xinjiraha la-soo gororiyey, fayl u gelayaane
Nin waliba Galaan buu darsaday, gaar u leeyahaye,
Hadba galaxa kii buuxsadaa, gaadha meel sare'e
Gu-jir uurkibay dooxayaan, goor iyo ayaane
Nin gaboobey beerkiisi bay, raran gubnoodsheene
Gashaantida caloosheedi bay, geed ku wadhayaane
Bir-ma-geydadeennay sidii, haadka gigayaane.

Gurdan-socodka guuxooda iyo, orod-gashlayntooda
Iyagoo is-garab yaacayoo, Guuto kor u dhaafay,
Iyadoo gablooshoo gudhoo, godolla aan dhiiqin
Iyadoo galoof noqotayoo, gommodey naaskeedu
Nin waliba gobaad buu rabaa, inuu garraaxaaye.
Gashaan-qaad isagoon ahayn, gabadhi yeeleyso
Nin waliba inuu guursaduu, geliyey laabtiisa.
Isagoo gartiyo aan aqoon, geedka laga doodo
Nin waliba Guddoonshuu rabaa, gooya taladeenna,
Nin waliba gucluu ugu jiraa, haybad goonniyahe,
Gelbis iyo ciyaar bay janteen, sacab garaaciise,
Salaan gaara bay doonayaan, inay guddoontaane,
Garoommay u wada ciil qabaan, guudka laga saaro.
Golihiyo Kursiga ay fisheen, xoog in lagu gaadho
Waxa geya ninkii garasholee, Shicibku geystaaye.
Wax gumeeyey Soomaali waa, qaar gabbaanadane
Iyagaa garaamkiyo na-baday, gorofka caydheed.

Inta Giib sokeeye ah ka kacay, geyiga Soomaali
Inta Gumar mid daaqsiiya iyo, geeri la-xasuusto
Mid Ganboor u qooshiyo intay, mudatay Geel-tooshe
Laylis aan la-geda-barin intuu, goonni ula buubay
Gabnay iyo Gulaal buu noqdaa, Garawo Awrkeede
Hadba Goray an guux yeelan baa, Geel u doobsada'e
Wuxuun baa gollaha kaga jiroo, gaar u fiigsada'e,
Gab-gabliyo waxaa lagu salliday, Gaabis aan taline
Gur-gurshaa hadday heli lahayd, maalin lagu guuro
Ama taladu googgoos tahoo, laysla goynaayo
Gunaadkiyo Ragaadkaa ku yaal, kuma gahaydheene
Garaabbiidadaan dhaadhacdeen, gudaha Nuurow'e
Gar-ma-qaatayaashiyo kuwaa, gubaya ciiddeenna
Dadkow goojinaayee haddaan, gacani taageerin
Nin kastaaba gool kuma dhasheen, goonni ugu laaday
Nin kastaa ma goofaadhiyeen, Gobey, Cismaanow.

Gudin bay dadkaygii noqdeen, lagu gabraartaaye
Golxob uu Rag qaatey noqdeen, gumaradoodiiye
Waran iyo Gammuun bay noqdeen, laysku ganayaaye
Dhallin-yarada Geeska Afrikaa, gabay xilkoodiiye
Dhengedaha la-goostey noqdeen, Gabannadeediiye
Dadkaa lagu garaacaa sidii, guunyo socon weydey
Iyana gooli-baadh bay noqdeen, Gumucu leefaaye
Aakhirey u guureen Raggii, Guga i-le'ekaaye
Galabtii kastaba kuwa go'aa, gedahay weeyaane,
Inta gabadh u soo feedhatee, sugeysa guurkooda
Inta gololo qaaliya la-baday, Guun an la-aroosin
Godobtiyo xumaatidu inay, goonni ugu taallo
Gashaan-qaadka soo hadhay hadduu, garan lahaa maanta
Ninna Guuto muu laylyadeen, uu gaar u leeyahaye.
Hubka gacanta laga tuurayaa, waa genkay le'ege,
Goblan iyo inay quus yihiin, galabta yow sheega,
Ciiddu inaanay gaadh iyo lahayn, gulufna yow muuja.
Nin kastoo gumaad iyo la jecel, Shicibka gaaggaabin
Isagaa gacmuhu daalayaan, Ina Gawaadhow'e
Gudhi mayso Soomaalidani, oo waa bad aan go'in.

Rag gar sii gartaadana u sheeg, yaanu gocan taada
Garowshiinyahays dhaafsataan, reebtay godobtiiye
Gacal iyo walaal baa nin raga, lagu gardaadshaaye
Geba-gebo colaadeed haddaad, maalin gacan saartid
Isagaba xiniinyaha Ku-gubey, waa gil-gilayaane
Weli qaar gaggabayaa jiree, gar Alla yow sheega.

Nin gar daran haddaan gudub xadhkaa, dabarka loo giijin
Garba-duub haddii aanay qaban, galab xigaalkiisu
Haddaan geed qudhaanjo leh mareeg, qoorta loo gelinnin
Iyadoo galool lagu tig-tigay, guudka laga daawan
Gawl lagu gartiyo lagaga dhigin, sumad gafuurkiisa
Baadi-sooc haddaan ganaf ku noqon, goonni ugu yaalla
Qabiil bayna gaabshaye haddaan, gobollo loo soocmin
Intii guunyo wada daaqsataa, gaar isugu duubmin
Garashada wax-soo-saar haddaan, lagu geyeysiinnin
Xilka guriga hoos yaal haddaan, ruux kastaa gudannin
Ha gorgorin dadkaygow inaad, libin ku geeraarto.
Ha gorgorin dadkaygow inaad, libin ku geeraarto.

ALLAA MAHAD LEH.

Tifaf-tirkii iyo diyaarintii:
Dhuux Digale Dualeh.






<<>