Halkan waxaan ku soo bandhigayaa, ereyo shaxwar(CARTOON)-ah, waxaan se ka cudurdaaranayaa, inaanan soo muujinin sawir-gacmeedkii.
XOGHAYNTII: Madaxweyne, miyaanad xafiiska ka baxaynin?
M. Rayaale: Waa anigii xafiiska ku dhex naaxayoo, albaabkii kama dhex bixi karo!
XOGHAYNTII: Markaas, ma xafiiska uun baad ku jri?
M. Rayaale: Haa! Inta aan dib u dhuubnaanayo, ha la i sugo!
XOGHAYNTII: Oo intee ayaad dib ugu dhuubnaanaysaa?
M. Rayaale: La garan maayee, ha la i sugo!
Thursday 5 March 2009
Sunday 1 March 2009
GABAYGA QAAN GAADH WAAX
Qacda waaga ilmo waalidkii qaylo hurrinnaayo oo haddal qadhaadh iyo afxumo lasuu quudhaayo
Ilmo qaabadaa lugu kurshoo qaxar ku waynaaday isaguna qalqaaluu noqdaa lagga qatoobaaye. Ilmo aan qab laggu korinin oon qiimo lagu sheegin oo cay qadhaadh lagu bahdilay quuqle iyo liite naanays qariban loobaxshoo lagu qasoobaayo ilmo qaabadaa laggu korshoo quudhsii laga buuxshay isna quus naftiisu ka dhigi qiimo aan mudanin.
Ilmo qadaf haduu gaysto aan waano looqoraynin qunyarna aan wax loosheeginoo qawda laga saaro ilmo qaabadaa lagu korshoo ciil qanjaha buuxshay isna qaatil buu noqonayaa aan qoof bixinyan. ilmo qalinka iyo buuga aan lala qorshaynay qaladaadka meshuu ka dhigo qayb lafahansiinin quraacdii iskuul aadayoo qadada soo doonta oo macalikisuna qawado qayrkii wada dhaafo isna tacab qasaar quus mid laga joogo.
Umadyahay qor oo hubi waxay qirayso laabtaydu bulsho qaniya buu dhalikaraa qoys hagaagsaniye mid qaribana wuu beeraya kii qaloocaniye.
Gabygan qaybihiisa dabe lasoco.

Xuruufata Somalida
Abwaan Faarax Cawil Murtiile wuxuu ku uruuriyay xuruuftii Soomaalida tuduc murti ah wana sidan:
BADJEEX DHUGAY WARKOODII SOOMAALI FAHANSII TAARIIKH LACAASHAQO.

Subscribe to:
Posts (Atom)